Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo dib u magacawday xubnihii maamulka gobolka Bakool, kan degmada Xudur iyo golaha deegaanka degmadaas.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS ayaa si rasmi ah u shaacisay dib-u-magacaabista maamulka Gobolka Bakool, maamulka Degmada Xudur, iyo xubnaha Golaha Deegaanka degmadaas, iyadoo tallaabadan lagu sheegay mid lagu xoojinayo hannaanka dowlad-dhiska iyo maamulka deegaannada.

Go’aankan oo ku taariikheysan 25-ka Maarso 2026 ayaa lagu magacaabay mas’uuliyiin cusub oo hoggaan u noqonaya Gobolka Bakool, halka sidoo kale dib-u-habeyn lagu sameeyay maamulka Degmada Xudur.

Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu magacaabay xubnaha cusub ee Golaha Deegaanka Degmada Xudur, kuwaas oo la filayo inay door muuqda ka qaataan horumarinta deegaanka iyo matalaadda bulshada.