Lafta-gareen oo markale loo doortay madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xassan Max’ed “Lafta-gareen” ayaa markale dib loogu doortay doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo.

Doorashadan ayaa timid xilli uu jiray khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya maamulka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka ay ciidamo fara badan geysay duleedka Baydhabo, iyadoo doonaysay in la hakiyo ama dib loo dhigo doorashada.

Si kastaba, maamulka Koonfur Galbeed ayaa si degdeg ah u qabtay doorashada, taasoo lagu soo gabagabeeyay hal maalin gudaheed si looga hortago faragelin dibadeed.

Natiijada doorashada ayaa muujisay in Cabdullaahi Xasan oo la tartama ayey Lafta gareen uu helay 13 cod, halka Cabdicasiis Xassan Maxamed uu ku guuleystay 66 cod, taasoo u sahashay inuu mar kale hoggaanka qabto.

Xaaladda siyaasadeed ayaa weli kacsan, iyadoo siyaasiyiinta Mucaaradka ay si toos ah u taageereen doorashada Lafta gareen, waxayna dowladda Federaalka ku ee deeyeen faragelin iyo isku dayo militari.

Doodaha socda ayaa inta badan diiradda saaraya eedeymaha la xiriira duulaanka dowladda federaalka ku qaadayo Baydhabo.