Mooshin xil ka qaadis ah oo laga gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

MUQDISHO-AYAAMAHA-Warqad rasmi ah oo ka soo baxday Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa muujineysa in mooshin xil ka qaadis ah laga gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, xilli mudo xilkeed kiisa ay ka harsan yihiin wax ka yar 2 bilood.

Sida ku cad dukumeentiga, mooshinka ayaa lagu saleeyay qodobo ka mid ah Dastuurka Federaalka, iyadoo mudanayaal ka tirsan Golaha Shacabka ay ku eedeeyeen Madaxweynaha inuu ku tuntay qodobo dastuurka ah, isla markaana uu ku kacay falal lid ku ah habraacyada dowladnimo.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo ku kulmaya magaalada Kismaayo si ay uga wada hadlaan arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka deegaanka.

Warqadda ayaa sidoo kale xustay in Madaxweynaha lagu hayo eedeymo la xiriira ku xadgudub awoodeed iyo faragelin uu ku sameeyay hay’adaha kale ee dowladda.

Mooshinka ayaa hadda maraya heerar uu kasoo gudbay xildhibaanada waxaana la filayo inuu aqbalo qabashada Guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh  Aadan Madoobee.

Dhanka kale, falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa tilmaamaya in haddii mooshinka uu helo taageerada loo baahan yahay, uu horseedi karo isbeddel siyaasadeed oo weyn, balse sidoo kale ay jirto suurtagalnimo ah in uu sii xoojiyo khilaafka u dhexeeya hay’adaha dowladda Federaalka.

Arrintan ayaa imaneysa xilli xaaladda siyaasadeed ee dalka ay tahay mid xasaasi ah, iyadoo la sugayo sida ay u wajahaan hay’adaha dastuuriga ah iyo go’aamada ka soo bixi doona Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.