DEG DEG:-Madaxweynihii Koofurgalbeed Lafta gareen oo is casilay!

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynihii Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook ku sheegay inuu iska casilay xilka Madaxweynaha DKGS.

Ujeedo: Is Casilaad

Laga bilaabo maanta oo ay taarikkhdu tahay 30 march 2026 waxaan iska casilay xilka Madaxweynaha DGKS anigoo ah Md Cabdicasiis Xasan Maxamed Lagtagareen.

Screenshot

Is casilaadan ayaa timid kadib markii maanta ciidamada dowlada federalka Soomaaliya iyo ciidamo la magac baxay badbaadada Koofurgalbeed ay gudaha u galeen magaalada Baydhabo, iyada oo arrintan ka dambeysay kadib doorashadii lafta gareen isagu isku doortay Baydhabo taas oo aan ka qeyb galin dhammaan musharaxiinta reer Koonfur Galbeed ee dooneysay xilka Madaxweynaha.

Weli Lama oga halka uu ku sugan yahay Cabdicasiis Laftagareen iyadoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan inuu dalka ka baxay oo u dhoofay dalka Kenya caasimada Nairobi.