MUQDISHO AYAMAHA.COM- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta safar shaqo ugu amba-baxay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaasi oo la filayo inuu kula kulmo dhigiisa Wiliam Ruto.
Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka, Sacdiya Yaasiin ayaa markii uu Madaxweynuhu ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde si rasmi ah u noqotay ku-simaha Madaxweynaha qaranka.
Tani ayaa ka dhigan markii ugu horreysay ee taariikhda Soomaaliya ay haweeney qabato xilka ugu sarreeya ee dalka, inkastoo ay tahay si ku-sime ah.
Sacdiya ayaa hadda ah ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka, maadaama Guddoomiye Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) uu ku maqan yahay deegaannada Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed.











