Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo dhaweysay isfahamka dhexmaray Mareykanka iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, iyadoo ku tilmaantay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca wada hadalka, isfahanka iyo xasilloonida gobolka.
War-saxaafadeed ay soo saartay Dowladda Soomaaliya 23-ka Juun 2026 ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay ku boorrinayso labada dhinac inay sii wadaan wadahadallada iyo dariiqa diblomaasiyadda si loo yareeyo xiisadaha loona xoojiyo nabadda iyo amniga gobolka.
Soomaaliya ayaa sidoo kale bogaadisay dadaallada ay garwadeenka ka yihiin dalalka Pakistan, Qatar, Masar, Sacuudiga iyo Türkiye, kuwaas oo door muuqda ka qaatay taageeridda horumarkan diblomaasiyadeed.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay doorka Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, iyadoo Dowladda Soomaaliya ay ku ammaantay dadaallada lagu dardargelinayo geeddi-socodka nabadda iyo yareynta xiisadaha.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muujisay rajada ay ka qabto in isfahamkan lagu fuliyo niyad-wanaag, islamarkaana uu gacan ka geysto ilaalinta nolosha shacabka, sugidda xorriyadda maraakiibta ee marin-biyoodka caalamiga ah iyo ka hortagga colaado hor leh.
Soomaaliya ayaa dib u xaqiijisay taageeradeeda ku aaddan diblomaasiyadda, ixtiraamka sharciga caalamiga ah iyo xalinta khilaafaadka si nabadeed, iyadoo soo dhoweysay dhammaan dadaallada lagu xoojinayo nabadda, amniga iyo xasilloonida Bariga Dhexe, Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas.










