Hay’adda Baarista Federaalka Maraykanka ee FBI ayaa soo bandhigtay sawirka Ibrahim Khaldoon Hilmi oo ku eedeysay in uu kamid ahaa koox lacago si sharci darro ah u luntay kana baxsaday Dalkaas sida lagu sheegay warka kasoo baxay Hay’addaas.
FBI ayaa sheegtay in Ibrahim oo ku eedeysay lunsashada lacag dhan $3.7 Bilyan oo doollar uu ka baxsaday Maraykanka isaga oo aaday dhinaca Turkiga oo ugu dambayn lagu guulaystay in laga soo qabto dibna loogu soo celiyo Maraykanka.
Howlgal ay si wadajir ah isaga kaashadeen Maraykanka iyo Turkiga ayaa suurageliyay in Ibrahim Khaldoon lasoo qabto, waxa uu haatan ku jiraa gacmaha hay’adaha u xilsaaran baarista iyo dabagalka lacagihii la lunsaday ee Dalkaas sida hadalka loo dhigay.
Ibrahim ayaa Maraykanka ka baxsaday May 2025 waxaana tan iyo xiligaas ku socday dabagal lagu raadraacayo meesha uu joogo waxaana ugu dambayn sannad iyo bil kaddib lagu guulaystay in dib loogu celiyo Maraykanka si halkaasi loogu maxkamadeeyo.
Xabsiyo ku yaalla Dalka Maraykanka waxaa ku xiran Dad badan oo Soomaali ay kamid tahay kuwaas oo ku eedeysan in ay lunsadeen lacago loogu dhiibay in ay Dadka ugu adeegaan balse si sharci darro ah u maamushay, halka qaar kale dabagal lagu hayo.










