Ukraine oo sheegtay in ay ixtiraameyso madaxbannaanida Soomaaliya

Ukraine ayaa hambalyo u soo dirtay Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya munaasabadda maalinta xorriyadda iyo midnimada Soomaaliya.

Qoraal ay dowladda Ukraine soo saartay ayay ku xaqiijisay inay weli tahay saaxiib iyo xulafo lagu kalsoon yahay oo ka go’an taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada sugidda amniga cuntada iyo xoojinta dadaallada dhismaha dowladnimada.

Ukraine waxay sidoo kale muujisay sida ay u qadarinayso madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Ukraine waxay shacabka iyo dowladda Soomaaliya u rajeysay nabad waarta, horumar joogto ah, iyo mustaqbal ifaya, iyadoo xustay in ay sii xoojin doonaan xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga labada dal.