Muqdisho-Ayaamaha.com Ururo Ilaaliya Xuquuqda Aadanaha iyo Sharciyaqaano Caalami ah ayaa Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyada ICC ka codsaday inay baarto Mas’uuliyiin sare oo ay ku jiraan Soomaali xiriir la leh Imaaradka Carabta, isla markaasna ku lug leh Xasuuqii ka dhacay gobolka Daarfuur ee dalka Suudaan.
Wargeyska Middle East Eye oo soo xiganaya Dakumiintiyo uu helay ayaa xaqiijiyay in ay Dacwadda ku jiran mas’uuliyiin iyo dalaaliin u kala dhashay dalalka Soomaaliya, Itoobiya, Chad, Liibiya, Kenya, iyo Uganda.
Si gaar ah dadkaan ayaa lagu eedeynayaa in ay fududeeyeen Hubka, Saadka iyo Maaliyadda ay heleen Kooxda RSF ee fuliyay Xasuuqii ka dhacay gobolka Daarfuur gaar ahaan meelo ay ka mid tahay magaalada El Fasher.
Waxaa si gaar ah farta loogu fiiqay dekado ku yaalla Soomaaliya sida Berbera oo la sheegay in ay awood joogitaan ku leeyihiin Imaaradka Carabta, isla markaasna laga gudbin karo gaadiidka iyo qalabka ciidan ay helaan Ururka RSF.
Imaaraadka ayaa lagu eedeeyay inay yihiin cida hubeysa oo maalgalisa Kooxda RSF ee ka soo horjeeda Dowladda Suudaan, iyagoo dhowr jeer oo hore iska fogeeyay eedahaasi.
Maxkamadda ICC ayaa awood u leh in ay dhageysato dacwadda dambiyada ka dhaca gobolka Daarfuur ee dalka Suudaan, iyadoo sharciga lala tiigsan karo cid kasta ku lug yeelata Xasuuqa RSF.
Ilaa hadda lama oga magacyada dadka Soomaalida ah ee ku jira Dacwaddan loo gudbiyay Maxkamadda ICC.
Dagaalka Suudaan ayaa billaawday sannadkii 2023, waxaana ku geeriyooday kumanaan ruux, halka malaayiina ay ku barakaceen.











