Talyaaniga oo Soomaaliya ka gacansiinaya tababarka Ciidamada Booliiska

Muqdisho-Ayaamaha.com Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa maanta kala saxiixday heshiis Xukuumadda Rome ay ku gacansiinayso dhiggeeda Muqdisho iyada oo u tababarayso Ciidamada Booliiska sida uu sheegay Wasiirka Amniga labada Dal.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/Gaas Asad Cismaan Cabdullaahi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha, Maxamed Xasan Shire & mas’uuliyiin kale, halka Talyaaniga ay ka joogeen Safiirka & saraakiil ciidan.

Talyaaniga ayaa sheegay in uu gacan ka gaysanayo xoojinayo iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, tababarrada Ciidanka Booliska, la-dagaallanka waxa loogu yeero ‘argagixisada, horumarinta hay’adaha amniga iyo arrimaha socdaalka.

Saraakiil ciidan oo labada dhinac ah ayaa howshaan loo xilsaarayaa si ay uga shaqeeyaan qaabka loo dhaqangelin karo maadaama Soomaaliya & Talyaaniga ay doonayaan inay isu kaashadan adkaynta amniga iyo sare u qaadista aqoonta ciidanka sida hadalka loo dhigay.