Dalka Hindiya waxaa ku geeriyooday allaha u naxariistee Imaam Maxamed Yuusuf oo kamid ahaa Dhaqanka Soomaaliyeed kuwooda ugu waa weyn, marxuumka oo arrimo caafimaad u aaday Dalkaas ayaa maanta geeriyooday sida ay xaqiijiyeen xubno katirsan ehelkiisa.
Imaamka ayaa ku suntanaa ka shaqaynta nabadaynta Bulshada, howlihii dib u dhiska dalka ee doorka firfircoon ku lahaayeen dhaqanka iyo howlaha, marxuumka waxaa geeridiisa ka tacsiyeeyay mas’uuliyiin kala duwan iyo dhaqanka.
Todobaad kahor inta uusan u safrin Dalka Hindiya ayuu ushii & taladii si dhammaystiran ugu wareejiyay Imaam Daahir oo baddelay Allaha u naxariistee Imaam Maxamed Yuusuf oo maanta u geeriyooday xannuunkii loo geeyay dalkaas.











