Hargeysa-Ayaamaha.com Hadallada adag ay is dhaafsadeen Hoggaamiyaha Maamulka Waqooyi Galbeed, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro iyo Hoggaamiyihii uu xilkaan kala wareegay, Muuse Biixi Cabdi ayaa dhaliyay guux siyaasad iyo hadal hayn xooggan.
Sida ay Warbaahinta u sheegeen ilo kala duwan oo ku sugan deegaannada Maamulka Waqooyi Galbeed, eedaha ka yimid Cabdiraxmaan Cirro uuna ku difaayo culayska uga imaanaya xubnaha kasoo horjeeda ayaa dhaliyay hadal hayn cusub.
Taageerayasha Muuse Biixi Cabdi iyo xubno kale oo kasoo horjeeda safarkii Cabdiraxmaan Cirro uu ku tagay Dhulka ay xoogga ku haysato Israa’iil oo muddooyinkii dambe afka laga hayay ayaa billaabay in ay si toos ah u dhaliilaan Hoggaamiye Cirro.
Baraha Bulshada waxaa ka socda dagaal cidiyo ku dirir ah oo u dhaxeeya Taageerayasha Cabdiraxmaan Cirro iyo Muuse Biixi, tani waxaa loo arkaa in ay soo dadejinayo rabshado siyaasadeed maadaama hoggaamiyaha haatan xilka haya la hordhigay su’aalo uu ka gaabsanayo in uu ka jawaabo sida sababta uu u qariyay safarkiisii qudus & kuwo kale.
Cirro ayaa Muuse Biixi iyo dadka kale ee aragtiisa kasoo horjeeda ku tilmaamay kuwa diidan ictiraafka ka yimid Israa’iil, balse waxaa jawaab ka bixiyay qaar kamid ah Dadkaas oo sheegay in Hoggaamiye Cabdiraxmaan aanay soo bandhigin heshiiska uu la galay Maamulka Netanyahu oo qudhiisa aqoonsi haysan.










