Diyaaradaha dagaalka F-16 oo duqeyn ka fuliyay duleedka Baydhaba

Baydhabo-Ayaamaha.com Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in goordhow duqeyn diyaaradeed ay ka dhacday bannaanka magaalada, halkaas oo ay howlgal ka fuliyeen diyaaradaha dagaalka F-16.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay inay maqlayeen dhawaqa gantaallo culus, balse aysan xaqiijin karin waxyeellada ay gaysteen.

Duqeynta waxaa barbar socda howlgallo kale oo amni xaqiijin ah oo ay wadaan ciidamada dowladda, maadaama bannaanka magaalada ay joogaan ciidamada taabacsan Cabdicasiis Lafta-gareen, sidoo kalena ay halkaas ku xoogan yihiin maleeshiyada kooxda Al-Shabaab oo ah dhinac kale oo halis ah.

Ma cadda bartilmaameedka duqeynta ay fuliyeen diyaaradaha F-16 ee Turkiga, waxaase lagu soo aadiyay xilli haatan la qaban qaabinayo munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), isla markaana si weyn loo adkeeyay ammaanka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay

Baydhaba waxaa ku sugan wufuud kala duwan iyo madax sare oo uu kamid yahay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo saaka gaaray magaaladaasi, si uu uga qayb-galo xafladda caleemo-saarka Aadan Madoobe.

Sidoo kale, waxaa xalay magaalada ku hoyday Madaxweyneyaasha Maamullada HirShabelle, Waqooyi Bari, ku simaha guddoomiyaha Golaha Shacabka, Guuddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo madax kale oo iyaguna shalay gaaray caasimada KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Si kastaba, ha’ahaatee Xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa inay noqoto mid si weyn loo soo agaasimay, waxaana haatan magaalada Baydhaba ay martigelinaysa wufuud kala duwan iyo mas’uuliyiin heerar kala duwan leh oo ka qayb-galaya munaasabadda.