Shabeellaha Hoose-Ayaamaha.com Kumaandooska DANAB ayaa howlgallo ka dhan ah ‘AS’ ka fuliyay Deegaanka Farsooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya, waxaana war kasoo baxay Taliskaas lagu sheegay in howlgalkaas lagu dilay 5 xubnood oo katirsan AS.
Mid kamid ah Raggii la weeraray ayaa la sheegay in uu xirnaa walxaha qarxa uu is qarxiyay waxaana warka kasoo baxay Ciidanka gaarka u tababaran ee Kumaandooska DANAB lagu shaaciyay in uusan jirin khasaara kasoo gaaray qaraxaas.
Warka ayaa intaas lagu daray in hoggaanka Xubnaha ‘AS’ ee joogay Deegaanka Farsooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose ay isaga tageen halkaas kaddib markii ay culays ka dareemeen howlgallada ciidamada Dowladdu ay wadaan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay burburisay goobo ay hubka ku kaydsanayeen ‘AS’ oo ku yaalla Deegaanka Farsooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana saraakiisha ciidanku ay sheegeen in ay sii wadayaan howlgalladooda.
Kumaandooska DANAB ayaa inta badan Gobolka Shabeelaha Hoose ka fuliya howlgallo ka dhan ah ‘AS’ kuwaas oo marar kala duwan ka dhacay deegaanno dhowr ah, waxaana ka dhashay khasaara isugu jira dhimasho iyo dhaawac.











