Trump oo Turkiga siinaya diyaaradaha dagaalka F-35 oo muddo raadineysay Ankara

Ankara-Ayaamaha.com  Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa la sheegay inuu ogolaaday in Turkiga uu helo diyaaradaha dagaalka ee F-35, xilli uu ku sii jeeda Ankara si uu uga qayb-galo shirka hoggaamiyeyaasha NATO.

Trump ayaa la filayaa inuu ku wargeliyo dhiggiisa dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan inuu diyaar u yahay inuu Ankara siiyo barnaamijka diyaaradaha qarsoodiga ah ee F-35, kaasi oo muddo laga hortaagna Turkiga, sida uu Isniintii sheegay wargeyska New York Times oo soo xiganaya afar saraakiil ka tirsan maamulka Aqalka Cad.

Trump oo dhawaan ka hadlay safarkiisa Turkiga iyo kulanka uu la leeyahay Erdogan waxa uu xusay in uu siin doonno hadiyad uu ku farxo balse si toos ah uma sheegin inkasta oo uu wargaysku sheegay in haddiyaddaas ay tahay F-35.

Xiriirka Mareykanka iyo Turkiga ayaa xumaaday wixii ka dambeeyay sannadkii 2019-kii, markaas oo Ankara ay Ruushka ka soo iibsatay nidaamka difaaca hawada ee S-400, taas oo sidoo kale wiiqday taageeradii uu Congress-ka Mareykanka u fidinayay dalka Turkiga.

Xilligaas, Washington waxay ku jawaabtay inay cunaqabatayn kusoo rogtay Turkiga, iyadoo gebi ahaanba ka saartay barnaamijka wax-soo-saarka iyo iibsashada diyaaradaha casriga ah ee F-35.

Sidoo kale waxa uu markaas Congress-ka Mareykanka meel-mariyay sharci mamnuucaya in wax diyaaradaha F-35 ah laga iibiyo Turkiga inta ay Ankara gacanta ku hayso nidaamka S-400. Congress-ka ayaa ku dooday in nidaamka difaaca ee Ruushka uu halis amni ku yahay diyaaradaha dagaalka ee uu Mareykanku farsameeyo.

Arrintan ayaa ahayd caqabadda ugu weyn ee hortaagan xiriirka labada dal, inkasta oo uu Turkigu helay xiriir diiran oo dhinaca Washington ah tan iyo markii uu Trump talada ku soo laabtay.

Si kastaba, tallaabadan la sheegay ayaa calaamad u ah soo-rayn weyn oo ku timid xiriirka labada waddan. Tani waxay dabooshaa go’aankii bishii la soo dhaafay ay xukuumadda Trump si rasmi ah ugu wargelisay Congress-ka inay niyad u hayso inay Turkiga ka iibiso daraasiin matoorada diyaaradaha ah oo qiimahoodu ka badan yahay $700 oo milyan oo doollar.