Waalidiin Carruurtooda Ka Maqan Oo Banaanbax Ka Dhigaya Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Isgoyska km4 ee Magaalada muqdisho waxaa banaanbax ka dhigaya waaldiintan oo isugu jira rag iyo Dumar oo dalbadanayay in Carruurtooda dib loogu soo celiyo

Banaanbaxayaasha oo watay boorar ay ku qoran yihiin Erayo ay ku dalbadanaaan in Carruurtooda ay dowladda Soomaaliya dib ugu soo celiso, kuwaas oo ay sheegeen in ay maqleen inay ka qeyb galeen dagaalkii looga soo horjeeday Kooxda TPLF ee ka dhacay waqooyiga Itoobiya

Qaar kamid ah Waalidiinta banaanbaxa dhigayay oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa ay sheegeen in dowladda looga baahan yahay in Nolol ama Geeri ay ugu keenaan Carriirtooda oo muddo sanado ah arkin nala hadin.

Waxaa ay sidoo kale ay hadalkooda intaasi ku dareen in markii la qaadayay Dhalinyarada loo sheegay in la geeynaayo dalka Qatar balse la geeyay dalka ereteriya, taasi oo shaki ku abuurtay.

Waalidiinta Maanta dibadabxa ka dhigay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhawaan Warbixin kasoo baxday Qaramada Midoobay lagu sheegay inay heleen cadeeymo muujinaya in dhalinyaro Soomaali ah ka qeyb galeen dagaalkii ka dhacay gobolka Togreega e Itoobiya, kaas oo u dhaxeeyay Ciidamada Itoobiya & Jabhadda TPLF.