MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo wafdi uu hogaaminaayo ayaa gaaray Magaalada Addis Ababa.
Lafta-gareen ayaa kulan la qaatay Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya Cabdulaahi Axmed Jaamac. Sidoo kale Lafta-gareen iyo wafdiga la socday ayaa Magaalada Addis Ababa uga sii gudbi doona dalka Niageria gaar ahaan Caasimada dalkaasi ee Abuuja.
Socdaalka lafta-gareen ee dalka Niageria ayaa waxaa uu yahay mid la xiriira Arrimo shaqo oo aan la shaacin.