Maxaa looga hadlay kulankii dhexmaray Sheekh Shariif iyo Cali Guudlaawe?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa maanta  kulan la qaatay madaxweynihii hore ee dalka ahna Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Shariif Sheekh Axmed.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xaalada dalka, Arrimaha doorashooyinka iyo xaaladaha kale ee lajira dalka.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha Hir-Shabeelle doorkii uu ka qaatay heshiiskii laga gaaray arrimaha doorashooyinka iyo kaalintii uu ku lahaa.

Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maalmihii la soo dhaafay Magaalada Muqdisho ka waday kulamo la xiriira arrimaha doorashooyinka iyo sidii xal looga gaari lahaa tabashada ay qabaan Reer Hiiraan.

Sheekh Shariif ayaa wada qorshe Cali guudlaawe lagu geeyo Beledweyne si xal looga gaaro muranka doorashadii uu ku soo baxay Cali Guudlaawe Xuseen.