MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed gaar ahaan Qeybta 21 aad iyo Daraawiishta Galmudug ayaa soo Bandhigay Saanad iyo maydadka Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab,kuwaas oo lagu dilay Dagaal ka dhacay Koonfurta Gobolka mudug
Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay inay Dagaalkii ku dileen Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa degaanada Ciidanka howlgalada kawadaan ee Gobolka Mudug.
Saraakiisha Daraawiishta Galmudug ayaa Warbaahinta Dowladda u sheegay inay la wareegeen Fariisimo ay Al-Shabaab kunsugnaayeen, welina ay Ciidamada howlgallada wadaan.