Ciidanka xoogga dalka oo howlgallo ka wada Gobolka Mudug

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ay weli howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wadaan degaano ka tirsan Koonfurta Gobolka Mudug.

Howlgalladii ugu dambeeyay ayaa Ciidamada waxaa saacadihii la soo dhaafay ay ka sameeyeen degaano u dhow, degaannada Camaara, Bacaadweyne iyo Shabeellow, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada qeybta 21aad ayaa Warbaahinta u sheegay in howlgallada ay Ciidamada Guulo ka gaareen, isla markaana Ciidamada ay degaano la wareegeen, sidoo kalena ay dileen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Amniga Galmudug, Taliyaha Ciidanka Dhulka, Janeraal Cabdi Qeybdiid iyo Taliyihii hore ee Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Joon.