Sheekh Shariif Oo ka hadlay Warar Lagu Faafiyay Baraha Bulshada

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaaa saacadihii lasoo dhaafay Baraha Bulshada ayaa lagu faafiyay warar sheegayay inuu jiro heshiis isku tanaasul ah oo la dhex dhigay qaar kamid ah u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Sharif Sh Axmed ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta ayaa beeniyay wararka sheegayay in shir ay yeesheen waxgaradka iyo siyaasiyiinta beelaha mudullood oo lagu gaaray heshiis.

“Waxaan had iyo goor aaminsannahay dimuqraadiyadda iyo in lagalo tartan xor ah, ku salaysan aragti siyaasadeed iyo isbahaysi, taasoo aan waqti soo galinnay welina aan u taagannahay. Sidaa darteed waxaan rabaa inaan caddeeyo inaysan waxba kajirin wararkaku saabsan shir ay yeesheen waxgaradka iyo siyaasiyiinta beelaha mudullood oo lagu gaaray heshiis isku tanaasul ah oo la dhex dhigay murashaxiinta qaar” ayuu yiri Sheekh Shariif Sh Axmed.