Hadal jeedinta Musharaxiinta Aqalka sare ee HirShabeelle oo socota.

Hadal jeedinta Senatorada Aqalka sare ee HirShabeelle.
Hadal jeedinta Senatorada Aqalka sare ee HirShabeelle.

JOWHAR-AYAAMAHA-Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee caasimada HirShabeelle ayaa waxaa uu sheegayaa in halkaas ay ka billaaban doonto hadal jeedinta Senatarada u sharaxan Aqalka Sare oo khudbadaha loogu dhageysan doono kulanka Xildhibaannada Baarlamaanka Hirshabelle

Ku dhowaad 25 Musharax oo u tartameysa 8 kursi oo labadii maalmood ee u dambeeyay is diiwaan geliyay ayaa hadal jeedin ka hor sameyn doona Xildhibaannada Baarlamaanka Hirshabelle.

Maalinta berri oo Talaado 14-ka bisha sagaalaad  ayaa doorashadu ka dhici doonta Magaalada Jowhar. Doorashaadan ayaana lagu tilmaamay doorashadii ugu daah furneyd ee ka dhacda Dalka tan iyo markii la billaabay doorashada Aqalka sare ee Soomaaliya.