XOG:- Ra’iisul wasaare Rooble oo ku dhow inuu u tasaasulo Madaxweyne Farmaajo

MUQDISHO-AYAAAHA-Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaare Maxmed Xuseen Rooble uu ku dhowyahay inuu u tanaasullo Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qodobadda la isku haayo oo ay kamid yihiin kiiska Ikraan Tahliil ayaa la isku afgartay in loo daayo Maxkamadaha ku shaqo leh ee cadaalada.

Qodobka kale ee Rooble la sheegayo inuu ugu tanaasullayo Madaxweyne Farmaajo ayaa ah in Bashiir Goobe la bedelo laguna bedelo qof Farmaajo soo magacaabayo, meeshana laga saaro Bashiir Goobe oo horey usoo magacaabay Rooble.

Sidoo kale Farmaajo ayaa ku adkeystay in la bedelo Wasiir Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur, sababtoo ah Farmaajo wuxuu yiri, Cabdullaahi waxaa uu katirsanaa mucaaradkii afartii sano ee la soo dhaafay dowladda ku kacsanaa, waxaa kaloo uu ahaa dadkii hogaaminaayey ciidamadii Badbaado qaranka, sidaas darteedna aan loo dhiibi karin Wasaarada Amniga.

Arrintaan ayaa u muuqata in Rooble laga adaakaday, kana tanaasulay waxyaabihii uu ku dheganaa intii uu khilaafka socday.

Farmaajo ayaa la sheegaa inuu yahay qof aan tanaasulo aqoon in loo tanaasulo ma ahane, waxaana horey isku qabteen siyaasiyiin badan oo ugu dambeyn ka adkaaday.