Saameyn intee la eg ayaa ku yeelan karto is casilaada wasiirka Amniga Galmudug Dagaalka Ahlu -sunna?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi ayaa shaaciyey inuu xilkaas iska casilay kadib markii isaga iyo madaxweyne Qoor Qoor ay isku fahmi waayeen habka loo wajahayo xiisadda kala dhaxeysa Ahlu-Sunna.

Fiqi ayaa sheegay inuu doonayo in xiisadda Galmudg iyo Ahlu-Sunna lagu dhameeyo wada-hadal balse Qoor Qoor uu doortay wadada dagaalka iyo colaad Galmudug ku reebaysa mahadhooyin danbe, asagoo adeegsanaya ciidamo Muqdisho laga soo daadgureeyey.

Wasiir Fiqi ayaa qoraalkiisa ku sheegin in faah faahin ku saabsan sababta uu isku casilay uu ka sheegi doono war-saxaafadeed la filayo inuu isugu yeero warbaahinta.

Arrinta is casilaada wasiirka ayaa saameyn ku yeelan karto dagaalka la qorshey ayo inu lagu qaado Ahlu-sunna, waxaana dib u dhici karo howlgalka gadaalka ee Gegmada Guriceel.

Siyaasinta kasoo jeeda Galmudug ayaa aad u kala qeyb samay dagaal lagu qaado Ahlu-sunna, ayagoo ciidamo farabadan dowladda ka dejisay Dhuusamareeb.