Howlgallo culus oo Ciidanka hay’adda Nabad Sugida iyo sirdoonka Jubbaland (JISA)ka sameeyeen xaafado ka mid ah Magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka u ah maamulkaasi Jubbaland ayaa laga helayaa warar kala duwan.
Waxaa la sheegay in ciidanka ay si gaar ah howlgalada kaga sameeyeen xaafadda lagu magacaabo farjanno, waxaana sidoo kale ay gacanta kusoo dhigeen waxyaabaha qarxa sida ay sheegeen saraakiishu.
Waxaa dadka degaanku ay sheegeen in ay arkayeen Ciidanka oo xaafadaha guri gir u baaraya, sidoo kalena dadka su’aalo weydiinaya.
Waxaa sidoo kale ay soo bandhigeen in Miino ay sheegeen in dagaalamayasha Al-shabaab ay ku aaseen qaybo ka mid ah Xaafadda Farjanno ee magaalada Kismaayo.
“Hay’adda Nabad sugida & Sirdoonka Jubbaland waxay uga mahad celinaysaa shacabka magaalada Kismaayo sida quruxda badan ee kalsoonida leh ee ay ula shaqeynayaan laamaha amniga ugana qeyb qaadanayaan sugida amniga iyo la dagaalanka” ayaa lagui yiri Qoraal kooban oo saraakiisha JISA ay soo saareen.
Magaalada kismaayo ee xarunta KMG u ah Jubbaland ayaa waxaa ka dhaca falal amaaanka lid ku ah, waxaana dhowr jeer la qarxiyay Maqaayado iyo Hoteello ku yaalla magaalada, iyadoo ay xusid mudan tahay in dad farabadan ay ku dhinteeen falalkaasi amaanka ak dhanka ah.