MUQDISHO-AYAAMAHA-Hogaamiyaha Ahlusuna Sheekh Shaakir cali xasan ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dagaalkii guriceel ka dhacay iyo waxyabaaha keenay inay iskaga baxaan Magaaladaasi maalmo ay dagaalamayeen.
Qoraal uu soo saaray ayuu ku beeniyey in awood looga saaray guriceel isagoo sheegay in codsi loo soo jeediyey awgeed uga baxeen.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA SHEEKH SHAAKIR
Waxaan marka koobaad u tacsiyanayaa dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay weerarkii isbaheysiga gardarrada ahaa ee lagu soo qaaday degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, waxaana leeyahay, “intii naga dhimatay Rabbi hasiiyo naxariistiisa janno, intii naga dhaawacantayna rabi hanoo caafiyo”
Waxaana aad uga xumahay in magaalada Guriceel hub iyo ciidan Muqdisho laga keenay lagu dunshay goobahii caafimaadka, ganacsiga iyo meelahii bulshada muhiimka u ahaa, waana nasiibdarro Somalia usoo hoyatay in Saanadii qaranka lagu gubay guryahii ummada , lagu qaxiyay shacbigii magaalada Guriceel ee nagu soo dhaweeyay si nabad ah.
Waxaan rabaa in aan u sheego umada soomaaliyeed in aan markii horeba soo dhawaynay baaqyadii nabadda iyo wada-hadalka iyo in aysan dhicin dagaal aan kan shabaab lagula jira ahayn, waxaana u caddaynayaa ummadda somaaliyeed in aan soo dhawaynay mar labaad baaqyada ka imaanayay Culimada , Cuqaasha , Ganacsatada , Siyaasiyiinta , Midawga musharaxiinta iyo beesha caalamka annaga oo tixgalineyna Shacbigeena.
Waxaan dadka soomaaliyeed u caddaynayaa in aan Guriceel uga baxnay Codsi nooga yimid Culimada, Ganacsatada , bulshada rayidka senataro iyo Siyaasiyiin reer Galmudug ah ,Waxay kaloo naga codsadeen in aan ku wareejino labadii gaari ee lagu xasuuqay dadkii lagu laayay deegaanka Bohol in aan ku wareejinno iyaga waana ku wareejinnay.
Waxaan ku ballannay in aan degno deegaanka Bohol oo markii horeba ahaa deegaankii nalagu soo weeraray.
Waxaan kaloo ku ballannay in wax walba oo jira lagu dhammeeyo wada hadal iyo xal nabad ah.
Ugu dambeyn waxaan mahadcelin u dirayaa shacbigeenna marwalba nagu garabtaagnaa nabadda iyo difaaca deegaanka iyo dadka laga difaacaya kooxahaha argigixisada ah walina garabkeenna taagan, waxaana uga tacsiyeeynaynaa waxyeelladii ka soo gaartay duullaankii gardarrada ahaa ee lagu soo qaaday guryahooda, hantidooda ayadoo la adeegsanaya awooddii dowladnimada Somalia.