Maamul cusub oo loo doortay degmada Baraawe

BAYDHABO-AYAAMAHA-Golaha deegaanka ee cusub ee degmada Baraawe ee dhawaan la dhisay ayaa maanta doortay Gudoomiyaha degmada iyo ku xigeenadiisa.

Dr Libaan Abukar Osmaan ayaa ku guulaystay Guddoomiyaha Degmada Baraawe ee Caasimada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed waxaana la tartamay Omar Sheikh Abdi oo helay 7 cod halka Dr Libaan uu helay 18 cod waxaana halaabey labo cod.

Sidoo kale Gudoomiye ku xigeenada koowaad iyo kan labaadba waxaa loo kala doortay Ismaail Abdulaahi iyo Sahro Abukar Ali.

Doorashada waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.