DH/MAREEB-AYAAMAHA-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta lagu wadaa inuu gaaro magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.
Rooble ayaa kormeer ku samayn doona xarunta lagu qabanayo doorashada Aqalka hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.
Ciidamaa ilaallada Ra’iisul wasaaraha ayaa la sheegay inay xoog ku galeen ay degeen xaruunta INJI ee la filayo inay ka dhacdo doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Galmudug.
Marka uu tago Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa la filayaa inuu la kulmi doonaa mas’uuliyiinta Galmudug oo uu horreeyo Madaxweynaha Galmuudg Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, iyo odayaasha dhaqanka.
Rooble ayaa horey u sheegay inuu tagi doono ama soo kormeeri doono dhammaan goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka Golaha Shacabka.