Nin cirwayni darteed looga mamnuucay makhaayad

MUQDIAHO-AYAAMAHA-Qof toos wax uga soo tabiya makhaayadaha cunnada ee waddanka Shiinaha ayaa sheegay in laga mamnuucay makhaayad lagu iibiyo cunnooyin kala duwan kaddib markii uu wax badan cunay. Mukhaayadasi ayaa qofka hal mar uun lacag ka qaaddo, isagoo macmiilka loo oggol yahay inuu cunno wixii uu awoodo.

Ninkan oo magaciisa lagu koobay Mr Kang, ayaa u sheegay taleefishinka Hunan TV in laga mamnuucay Makhaayadda Handadi ee lagu iibiyo cunnooyinka badda laga soo saaro iyo hilib doofaar, makhaayaddaas oo ku taal magaalada Changsha kaddib markii uu cunto badan daldalay.

Waxa uu cunay 1.5kg oo hilib doofaar ah markii ugu horraysay ee uu makhaayaddaas wax ka cuno, mar kale oo uu makhaayadda tagayna waxa uu cunay 3.5kg illaa 4kg oo kalluun ah.

Mr Kang ayaa sheegay in makhaayadda ay “takoorto” dadka wax badan mar qura cuni kara.

“Wax badan ayaan cuni karaa – taasi miyaa dambi ah?” ayuu yiri, isagoo intaasi ku daray inuusan khasaarin cuntadii uu soo gurtay.

Hasayeeshee ninka iska leh makhaayadda ayaa isla weriyihii uu Mr Kang u warramay waxa uu u sheegay in ninkaasi uu lacag badan ka khasaariyay.

“Markasta oo uu yimaado halkan, waxaan lumiyaa dhowr boqal oo lacagta yuan-ka ah,” ayuu yiri.

“Xitaa markii uu caano cabaayo waxa uu cabbi karaa 20 ama 30 caag oo caana ah. Markii uu cunaayo hilibka doofaarka waxa uu cuni karaa saxan wayn oo buuxa. Kalluunka caadiyan dadku waxa ay ku soo gurtaan suxuunta yaryar hasayeeshee isaga waxa uu soo qaadanayaa saxan wayn oo wixii oo dhan ayuu ku ridanayaa.

Waxa uu intaasi ku daray inuu mamnuucayo dhammaan dadka toos wax uga soo tabiya makhaayadaha.

Sheekadan ayey dadku aad isula wadaagayaan baraha ay bulshadu ku wada xiriiraan ee waddanka Shiinaha waxaana ay gaartay warbixintaasi in ka badan 250 milyan oo ay dadku ku daawadeen barta Weibo, iyagoo aaraa kalagadisan halkaasi ku soo gudbiyay.

Dadka qaarkood ayaa sheegaya in makhaayadda ay markii horaba aheyd inaanan laga dhigin wax allaale iyo waxa uu qofka cuni karo haddii aanay marka horaba awoodin, halka kuwa kalana ay ninka makhaayadda leh ay u muujiyeen sida ay uga xun yihiin waxa ku dhacay.

Sanadkii la soo dhaafay dowladda Shiinaha ayaa waxa ay bilowday inay baacsato dadka dhiirigaliya in la isticmaalo waxyaabaha cuntada dadka u fura, iyadoo ay suuragal tahay in guud ahaan dalka oo dhan laga mamnuuco muuqaallada arrintaas la xiriira.

Waxa ay timid kaddib markii Madaxweyne Xi Jinping uu dadka ugu baaqay inay “ka hortagaan in cunnooyinka ay halaabaan” xilli la sheegayo inay sii kordhayaan walaaca laga qabo cunto yari jirta.

BBC