Rooble oo hal sabab darteed uga baaqday safar uu ku tegi lahaa Garoowe.

ROOBLE safar howleed ku tagay degmada Balcad
ROOBLE safar howleed ku tagay degmada Balcad

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta oo sabti ah lagu waday inuu safar ku tego Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland, hayeeshee waxaa uu ka baaqday.

Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Rooble uu Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Saciid Cabdullaahi Deni ku wargeliyay in uusan Maanta tegi karin Garoowe.

Safarka Rooble ayaa loo arkay inuu dib u dhigikaro doorashada islamarkaana gorgortan cusub ay soo bandhigikaraan Deni iyo Axmed Madoobe oo doonaya in doorashada laga dhigo hal magaalo sidookalena ergada laga yareeyo 101.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidaas uga baaqday safarka Magaalada Garoowe oo aan horeyba qorshihiisa ku jirrin balse Axmed Madoobe iyo Deni ay doonayeen.

Rooble ayaa cadaadis kala kulmay Beesha Caalamka iyo Midowga Musharaxiinta oo ku aadan dedejimta doorashada.