Haweeneey Soomaali ah oo Mareykanka ku Gowracday cunug ay dhashay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Haweeneeyda oo lagu Magacaabo Fardowso Cabdullaahi ayaa gowracday wiil yar oo ay dhashay, iyada oo meydkiisa  ku riday haanta qashinka lagu rido oo taalla banaanka Gurigeeda.

Dhacdadaan naxdinta leh ayaa ka dhacday magaaladda St, Cloud ee gobolka Minnesota oo ay Soomaalida ku badan tahay, waxaana Booliska ay wadaan baaritaan baaritaan la xiriira dilka wiilka yar ay u geystay hooyadiis.

Warar soo baxayay ayaa sheegaya in sababta dilka ay keentay kadib markii Ninkii ka dhalay cunuga Hooyada uu ku inkiray.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Ciidamada ayaa waxaa lagu sheegay in ay xireen Fardowsa Cabdillaahi oo 26 sanno jira, laguna soo oogay dil darajadda labaad ah oo la xiriira dilka ay u guysatay wiilka yar ee ay iyaddu dhashay.

Maydka cunuga yar ayaa loo qaaday Xafiiska lagu baaro dembiyadda la xiriira dilka. Sidoo kale Fardowsaayaa la geeyay xabsiga Degmadda Stearns ee ku yaala magaaladda St. Cloud.

Dalka Mareykanka ayaa waxaa marar badan ka dhacay dilal loo geystay muwaaadidiin Soomaali ah, hayeeshee waxaa ku cusub in Hooyo ay disho cunug ay dhashay.