XOG:-Dowladda Soomaaliya Oo Masar Ka Dalbatay In Lala Heshiisiiyo Imaaraadka Carabta.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Magaalada Qaahira ee dalka Masar waxaa dhowaan safar ku tagay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Xasan Khaliif, kaasoo farriin gaar ah ka siday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Farriinta uu siday Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Xasan Khaliif ayaa isugu jirtay arrimo dhowr ah, waxaana la sheegay inay ka mid aheyd arrinta wada hadalada Imaaraadka Carabta oo dowladda Soomaaliya dooneyso in dib loo bilaabo, si xiriirka labada dal caadi loogu soo celiyo.

Safarka Xasan Khaliif ku tagay Masar ayaa ku soo aaday xilli xasaasi ah oo dowladda Soomaaliya wajaheyso marxalad doorasho, iyadoo Masar loo arko xilligan inay door weyn ka ciyaari karto doorashada Soomaaliya.

Dhowaan ayay aheyd markii Magaalada Qaahira ay tageen qaar ka mid ah Musharaxiinta Madaxweynayah iyo Siyaasiyiin oo ay ku jiraan Xasan Sheekh, C/raxmaan C/shakuur, Daahir Geelle, Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar C/rashiid, halka kuwa kalena la filayo inay dhowaan tagaan.

Arrintaan ayaa loo arkaa in dowladda federaalka Soomaaliya ay isaga yareynayso culeysyada kaga imaanaya dhanka mucaaradka gaar ahaan xulufada Imaaraadka iyo Masar ay la leeyihiin Musharaxiinta Mucaaradka.