Coronavirus oo dib ugu soo laba kacleeyay Somalia iyo Digniinta wasaaradda caafimaadka. 

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda
Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda

MUQIDSHO-AYAAMAHA-Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay Feyruska Karoona xogtii ugu dambeesay waxey sheegtay in asbuucii u dambeeyay laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka 4,792,  balse la diiwaan geliyay 23 xaalado cusub oo COVID-19 ah, kuwaas oo laga diiwaan-geliyay Muqdisho iyo Gobolada dalka.

Waxey Wasaaradda sheegtay in dadka Cudurka uu soo ritay laga ay kala joogaan:-

Puntland 10 Ruux, Gobolka Banaadir 6 qof, jubbaland 4 Ruux iyo Soomaaliland oo laga diiwaan-geliyay min  3 Ruux.

Sidoo kale War kasoo baxay Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in dadka cudurka laga helay ay kala yihiin  13 Rag ah iyo 1o Dumar ah, halka cudurka ay u geeriyoodeen 2 Ruux degaannada Somaliland, iyada oo ay ka bogsadeen 492.

Tirada asbuucii  u dambeeyay laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka: 4,792.

o Laga Helay: 23
o Puntland: 10
o Banadir: 6
o Jubbaland: 4
o Somaliland: 3