MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo uu wehliyo taliye ku-xigeenka ciidanka boliiska Soomaaliyeed, taliyaha qeybta guud gobolka Banaadir ee ciidanka boliiska iyo taliyaha ciidanka ilaalinta nabadgalyada wadooyinka.
Duqa Muqdisho ayaa maanta kormeeray howlgalka la dagaalanka ka hortaga Daroogada oo ay maanta Ciidanka amniga kusoo qabteen waxyaabaha Maanka Dooriya oo ka koobnaa Calaq, Xashiish iyo Qamri.
Dhisma ku yaala degmada Boondheere oo si dhuumaalasha ah lagu iibinaayay Daraagiska qeybihiisa kala duwan ayey ciidanka boliiska gacanta kusoo dhigeen.
Ciidamada booliska ayaa howlgalkaan ka sameeyey hore degmooyinka Yaaqshiid & Kaaraan waxaana shalay isgoyska fagax lagu gubay waxyaabaha maanka dooriya.