29.9 C
Mogadishu

Maxay yihiin ciidamda PSF ee maalintii labaad ka dagaalamaya Boosaaso.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Sida uu horay noogu sheegay Korneel Cabdiwaaxid Maxamuud Xasan oo ahaan jiray madaxii hore ee ciidammada Daraawiishta Puntland, ciidamadan PSF ayaa ka tirsanaan jiray kuwa horey la isugu oran jiray PIS oo la aasaasay xilligii Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxaana markii ugu horreysay agaasime ka soo noqday Maxamed Aadan Bidaar.

Ciidamadani markii hore waxay isugu jiri jireen milatari iyo sirdoon loogu talagalay la dagaallanka argagaixisada balse markii dambe waa la kala saaray oo milatariga waxaa ku haray PSF, halka sirdoonkuna uu noqday mid ka baxsan.

“Ujeeddada loo aasaasay wuxuu ahaa la dagaalanka argagixisada maadaama argagixisadu ay wakhtigaasi Sebteembar 2001-dii wixii ka dambeeyay ay argagixisadu soo xoogeysatay, taliskanna muhiim uu u ahaa Geeska Afrika, Mareykankuna ay aad u daneynayeen.” ayuu yiri Korneel Cabdiwaaxid oo sharraxaya ujeeddada loo aasaasay ciidamadan.

Hay’addan ayaa waxaa marar badan soo maray khilaaf dhexdeeda ah iyo mid kala dhaxeeya hoggaanka Puntland, waxaana arrintaasi loo aaneynayaa in qaab ahaan ay ka madax-bannaantay dowladda balse hoggaanka Puntland ay doonayaan in ay maamulkeeda gacan ku yeeshaan. Tan iyo markii ay soo baxday wareegtada madaxweynaha Puntland, waxaa magaalada Boosaaso soo gaarayay ciidamo badan oo ka tirsan kuwa PSF-ta oo u muuqday in ay ka gadoodsan yihiin xil ka qaadista agaasimaha hay’addaasi, waxaana arrintaasi walaac ka muujiyay shacabka ku dhaqan magaaladaasi.