XASAASI:- MW Farmaajo oo wada “Dacwad xukunka looga tuurayo RW Rooble”

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa wajigii labaad galay dagaalka Ra’iiwul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin. Tan iyo markii uu Rooble isku dhigay kursiga Yaasiin Farey oo uu diiday inuu gudbo, dhinaca madaxweyne Farmaajo waxay cabeysteen dagaal cusub.

Markii uu soo baxay go’aanka Ra’iisul Wasaaraha waxay kooxda madaxweyne Farmaajo ku cadaadiyeen guddigii inay ka horyimaadaan go’aanka Ra’iisul Wasaaraha, waa sameeyeen guddiga shaqadaas laakiin cidna uma joojin hadalkooda.

Intaas kadib kooxda Madaxweynaha waxay abaabuleen qorshe kale oo ka dhan Ra’iisul wasaare Rooble, waxaana loo adeegsaday Taliyaha ciidanka Badda ee Soomaaliya oo Rooble ku sheegay inuu galay khiyaano qaran.

Arrinta la baarayo waa kiiska Dhulka ee Taliyaha Badda ku eedeeyey Ra’iisul Wasaaraha. Wasiir ayaa amraya in la baaro Ra’isul Wasaarihiisii. Farmaajo iyo kooxdiisa ayaa la sheegay inay isticmaaleen Wasiirka Gaashaandhigga.

Sida muuqata Ra’iisul wasaare Rooble waxaa kusoo socota dabeyl xoog leh haddii uusan qaadin tallaabooyin deg deg ah oo ay dhacdo in yadda lagala hormaro wixii uu dib ka sheego macno ma sameyn doonaan ayey leeyihiin dadka isha ku haya dagaalkaan cusub.

Farmaajo iyo kooxdiisa hadda waxay jiraan dhanka maxkamadaha iyo xeer ilaalinta, waxay isku dayayaan in Rooble lasoo eedeeyo kadibna uu Farmaajo soo jeediyo inuusan xukuumadda hoggaamin karin inta ay dacwadda ka dhamaneyso oo uu Mahdi Guuleed sii wadi doono shaqada.

Haddii ay tallaabadaas qaadaan waxaa u sawiran inay doorashada istaagi doonto, Rooble fadeexoobi doono uuna baaqan doono shirka Golaha Wada-tashiga Qaran oo uu Farmaajo ka walaacsan yahay in lagu burburiyo labada deegaan doorasho.

Kooxda madaxweyne Farmaajo waxay fahamsan yihiin in awoodoodii guddiyada la wiiqay shaqada kuraasta reer Woqooyigana aysan sida ay rabeen u socon, sidoo kalana ay adkaan doonto in Fahad, Kulane, Cabdiraxmaan Dheere iyo dhammaan xubnaha Farmaajo madaxiisa u dakaneysay inaysan kuraas soo qaadan karin oo Rooble Ragga qaar jidka u taagan yahay.