Rooble iyo Beesha Caalamka oo Ka Shiraya Xaalada Dalka.

MUQDISHU-AYAAMAHA-Shir degdeg ah oo qadka Zoomka ayaa xilligan u socdaa Ra’iisul Wasaare Rooble iyo xubnaha Beesha Caalamka, shirkan ayaa looga hadlayaa xaaladihii u dambeeyay ee soo kordhay.

Ilo ku dhow dhow Beesha Caalamka ayaa sheegaya in xiriiro ay la sameeyeen Madaxda Goboleedyada kana dalbadeen in shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee uu ku baaqay Ra’iisul Wasaaraha in waqtigii loogu tala galay ku dhaco, ayna yimaadaan Muqdisho.