Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Xilalka U Kala Bedelay Laba Kamid Ah Golaha Wasiirada

MUQDIAHU-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa isbedel ku sameeyay laba kamid ah Golaha Wasiiada Xukuumadda.

Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaare Rooble ayuu Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda ugu magacaabay Cabdulqaadir Maxamed Nuur ( Jaamac) oo horay u ahaa Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale Xasan Xuseen Xaaji oo horay ahaa Wasiirka Gaashaandhigga u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda,  waxaana la filayaa in labada Wasiir xilalka kala wareejiyo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray labada wasiir ee la isku baddelay in ay sida ugu dhaqsiyaha badn xilalka ula kala wareegaan.