Doorashada lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo Maanta dhaceysa Kismaayo

Doorashada xildhibaanada Maamulka Jubbalamd

MUQDISHO-AYAAMAHA-Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa Maanta lagu wadaa in lagu qabto doorashada lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo degaan doorashadoodu tahay degaannada Jubbaland.

Guddiga doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Jubbaland ayaa shalay soo geba-gabeeyay diiwaangelinta musharrixiinta ku tartameysa kuraasta lixda ah.

Kuraasta lixda ee Maanta doorashadoodu ka dhaceyso Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ay kala yihiin.

Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland SEIT ayaan maanta soo gaba gabeeyey diiwaan galinta iyo shahaada siinta u tartamaya kuraasta 6-da ah ee la shaaciyey 23-December-2021 waxaana goob joog ahaa xubno ka tirsan Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Federaal.

HOP 203 oo ay ku tartami doonaan
Xamse Cabdi Barre oo ah guddoomiyihii hore ee guddiga doorashooyinka Jubbaland iyo
Axmed Maxamed Maxamuud.

HOP 108 waxaa ku tartamaya
Maxamed Cali Cumar iyo
Ibraahim Cabdulle Ibraahim

HOP-113 waxaa ku tartamaya
Saynab Cali Muganga iyo
Maryan Aweys Jaamac oo ah Wasiirka Dekadaha Soomaaliya.

HOP-134 waxaa ku tartamaya
Sahra Jaamac Cali iyo
Fartuun Axmed Yuusuf

HOP-082 waxaa ku tartamaya
Siyaad Aadan Iidle iyo
Cabdirashiid Jire Qalinle

HOP-217 waxaa ku tartamaya
Xasan Cabdi Ismaaciil Xasan Yare iyo
Maxamed Farax Muxumed.

Kuraasta Golaha Shacabka ee Maanta doorashadooda ka dhaceysa Magaalada Kismaayo ayaa Xubnaha ku tartamaya, waxaa ay isugu jiraan kuwo ku cusub iyo kuwo horay ugu fadhiyay oo ay kujiraan Xildhibaano Afartii sano ee la soo dhaafay difaacayay Madaxweynaha Jubbaland.