DEG DEG:- Rasaas Lala Dhacay Dad Banaanbax Dhigaayay iyo Khasaaro Ka Dhashay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa rasaas xoogan ku furay dadweyne badan oo Banaanbax looga horjeeday Madaxweyne Farmaajo ka waday degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Dadweyne farabadan oo isugu jira dhalinyaro, haween, Caruur iyo Odayaal ayaa isugu soo baxay waddo ku taalla Yaaqshiid, iyagoona siweyn uga horjeeday Farmaajo iyo dowladda Federaalka.

Ciidanka Booliska ayaa tegay halku uu banaanbaxa ka socday, isla markaana kala eryay dadkii dhigaayay Banaanbaxa oo ku qeylinayay erayo ay kamid yihiin doonimeyno kaligiis taliye iyo Erayo kale.

Rasaasta ciidanka dowladda ay fureen ayaa waxaa ka dhalatay khasaaro kala duwan oo soo gaaray dadkii goobta ku sugnaa, in kastoo aan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha.

Sidoo kale banaanbaxayaasha ayaa waddooyinka ku gubayay taayawo waaweyn, isla markaana xiray wadada, waxaana kahad ku jira isku socodka gaadiida iyo dadka.

Qaar kamid ah dadka dhigaya banaanbaxa ayaa farmaajo ku eedeeyay inuu boobayo Doorashada dalka ka dhaceysa, sidoo kalena sheegay inay doonayaan in dalka ay ka dhacdo Doorasho nabad oo loo dhan yahay.