Galmudug oo tababar u soo xirtay Ciidamo horleh oo la dagaalama Al-Shabaab.

DH/MAREEB-AYAAMAHA-Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa Degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud, Tababar ugu soo xiray Degmada ciidan Cusub oo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Galmudug.

Munaasabadan lagu soo bandhigayay Ciidankaan soo dhamaystay Tababarka ayaa xalay lagu qabtay Madaxtooyada Cabudwaaq  waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda Galmudug, Saraakiil, Maamulka Degmadda. Iyo  Qaybaha kala duwan ee Bulshada Caabudwaaq.

Madaxweyne kuxigeenka oo munaasabadda ka hadlay ayaa u mahad celiyay cid kasta oo gacan ka geysatay tababarista Ciidamada, wuxuuna Ciidamada kula dardaarmay inay si wanaagsan u vutaan waajibaadkooda Qaran ee loo igmaday.

Ciidamada katirsan Daraawiishta Galmudug ee tababarka loogu soo xiray degmada Cabudwaaq ayaa waxaa la filayaa inay dhawaan howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab ka fuliyaan degaano iyo degmooyin kuyaalla Waqooyiga Gobolka Galgaduud.