AMISOM oo ka hadashay weeraradii Al shabaab ay ka fuliyeen Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa si kulul u cambaareeyay weeraro xiriir ah oo Al-Shabaab habeen ka hor ka fuliyeen magaalada Muqdisho.

Weerarada ayaa lala beegsaday Saldhiga degmada Kaxda iyo Hoyga guddoomiye kuxigeenka Amniga degmada Hiliwaa iyo  xaafado dad shacab ah degan yihiin, waxaa ku dhintay askar iyo tiro kale
dad rayid ah oo ay ku jiraan haween.

Qoraql kasoo baxay howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu sheegsy in Weerarkii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab uu muujinayo sida ay uga xun yihiin Nabadda iyo horumarka kajira Soomaaliya, xilli lagu jiro waqti abaaro kajiraan dalka.
“Midowga Afrika ayaa waxaa ka go’an in uu taageero Soomaaliya si looga adkaado argagixisada oo burbur ku ah dhaqaalaha, dhaqanka, siyaasadda iyo nolosha bulshada,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Fiona Lortan.

Habeen ka hor ayay aheyd markii Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lagu weeraray Saldhiga Booliska degmada Kaxda. Sidoo kale la weeraray labo deegaan oo kala ah Ceelasha-Biyaha iyo Ceel-Janaale.

Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa sidoo kale lagu qarxiyay
Xaafadda Daarusalaam ee degmada Yaaqshiid