Guddiga doorashada Hirshabeelle oo shaaciyay doorashada labo kursi oo kamid ah Golaha Shacabka

JOWHAR-AYAAMAHA-Guddiga Hirgalinta Doorashada Hirshabelle ayaas haaciyay doorashada kuraas ka tirsan Golaha SHacabka Baarlamaanka 11aad,kuwaasi oo dhawaan ay guda gali doonaan doorashadooda.

Warqaad kasoo baxday Guddiga maamulka doorashada Hirshabelle ayaa waxaa lagu shaaciyay  Guddiga Xulista Ergada  iyo Jadwalka cusub ee labo kursi.

Guddiga ayaa sheegay in 21/03/2022 oo manta ah ay qaban donaanDiiwaangelinta ergada iyo Murashixiinta, halka 22/03/2022 oo berry ah ay qaabnayaan doorashada.

1: Hop#011 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyo Wasiirkii hore ee Amniga Cabdirisaaq Cumar Naxamed dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud.

2: Hop#063 oo uu hadda ku fadhiyo Wasiirkii hore ee Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre, waxaana kuraastaan ay kamid tahay kuraasta isha lagu wada haayo oo ay adag tahay diirashadooda.

Maamulka Hir-Shabeelle ayaa la filayaa in todobaadyada soo socda uu soo geba-gabeeyo doorashada kuraasta Golaha Shacabka, waxaana weli Magaalada Jowhar uga harsan doirashada ilaa lix kursi.