Rooble oo ka hadlay tilaabada ay qaadeen Guddiga doorashooyinka Heer federal

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay bilaashada bixinta shahaaddooyinka Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Qoraal kooban soo saaray ayaa waxaa uu Guddiga ugu hambalyeeyay bilaabida bixinta Shahaaddooyinka Xildhibaannada la soo doortay ee Baarlamaanka 11aad ee dalka.

“Hambalyo Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) iyo guddoomiyehooda Muuse Geelle Yuusuf oo maanta bilaabay bixinta shahaaddooyinka xildhibaannada la soo doortay ee baarlamaanka 11aad ee dalka” ayuu yiri Raiisul wasaare Rooble.

Waxaa uu intaasi kusii daray “Waxaan sidoo kale bogaadinayaa xildhibaannadii u horreeyay ee maanta qaatay shahaaddooyinka, anigoo rajeynaya in howsha shahaaddo siinta iyo dhaarinta xildhibaannadu ku soo idlaato ka hor xilligii loo asteeyay”

Guddiga doorashooyinka Heer federal ayaa bilaabay bixinta shahaadada Rasmiga ah ee la siinayo xildhibaanada laba gole ee barlamaanka 11aad kuwaasi oo dhawaan lasoo doortay.

Saakay oo jadwalka uu ahaa in la bilaabo qaadashada shahaadada xildhibaanada ayaa waxaa xarunta guddiga gaaraya xildhibaanada Cusub.

Ku dhawaad 20 Xildhibaan ayaa hadda qaatay Shihaadada Xildhibaano.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Muuse Geelle Yuusuf ayaa Xilhibaankii ugu horreeyay siiyay shahaadada Xildhibaannimo ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda, kaasi oo noqday Xildhibaan Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug) oo kusoo baxay kursiga tirsigiisu yahay HOP#108.