Maxay tahay Shaqada laanta Sirdoonka?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Shaqada laanta Sirdoonka waa in ay aruuriyaan macluumaad xasaasi ah oo ku saabsan arrimaha keeni kara khatarta amni, si wax looga qabto ka hor inta aysan dhicin.

Taasi waa sababta ay iyagu si gaar ah ugu xil saaran yihiin in ay sugaan amniga madaxda sare oo uu ka mid yahay Madaxweynaha ama Ra’iisul Wasaaraha.

Howlgallo khaas ah oo mararka qaar hubaysan ayay ka fuliyaan waddanka gudihiisa iyo dibaddiisaba, iyagoo wax walba u sameynaya qaab qarsoodi ah. Waxaa kale oo jira xiriir ka dhaxeeya sirdoonka dalalka qaar ee saaxiibbada ah.

Haddii uu waddan ka dhaco fal lid ku ah dowladnimada, eedda ugu horraysa waxaa leh saraakiisha sirdoonka ee shaqada haya. Waxaa kale oo howlahooda ka mid ah in ay xog ka raadiyaan waddanka dibaddiisa iyo in ay saadaaliyaan waxyaabaha ka dhacaya caalamka.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Dalalka ay kooxaha loogu yeero argagixisada ka howl galaan waxaa ka mid ah Soomaaliya, oo kooxda al-shabaab ay fariisimo ku leedahay.

Siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta dowladda oo uu ugu horreeyo madaxweynaha ayaa bartilmaameed u ah kooxdan, sida ay marar badan horay u sheegtay.

Horraantii isbuucan, taliska Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirodonka Qaranka, ayaa soo saaray bayaan ay ku sheegayaan in ay madaxda dalka ku wargeliyeen xog ku saabsan in al-Shabaab ay diyaarinayaan weerarro lagu beegsanayo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Amniga madaxweynaha Soomaaliya waxaa u xil saaran ciidamo isku dhaf ah oo ka kooban Amisom iyo militeriga Soomaaliya, kuwaasoo si joogto ah u ilaaliya madaxtooyada.

Waajibaadka ciidanka Amisom waxaa ka mid ah in ay ilaaliyaan mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya iyo xarumaha xukuumadda, iyagoo kaashanaya ciidanka xoogga dalka.