Aabaha dhalay Ikraan Tahliil oo markii ugu horreysay ka hadlay Kiiska gabadhiisa.

Aabaha dhalay Ikaraan Tahliil

MUQDISHO-AYAAMAHA-Aabaha dhalay Ikraan Tahliil Faarax ayaa markii ugu horeysay ka hadlay kiiska gabadhiisa iyo tallaabada uu qaadayo si arrinteeda loo galo.

Tahliil Faarax ayaa sheegay inuu xanuun badan hareeyay qoyska, isla markaana dad aan arxan lahayn ay kula kaceen waxa ku dhacay gabadhiisa, isla markaana aysan ku qancin warka kasoo baxay NISA ee ah in la dilay, ayna u saadiyeen Alshabaab.

“Anigoo ah Ikraan Aabaheed wax gorgortan ah kama geli doono in cadaalad loo helo gabadhayda. Haddii NISA hayso Ikraan oo nool hala soo daayo haddii la dilayna waa in Meydkeedi ay nasiiyaan si aan u aasano” ayuu yiri Tahliil Faarax.

Afduubka Ikran ayuu sheegay inuusan dhinacna u dhaafsiisneyn Hay’adda NISA, iyagoo la xiriiray dhammaan madaxda dowladda iyo hay’adaha baarista, ayna dacwad geeyeen maxkamadda Ciidamada.

Kulankii ay la yeesheen Fahad Yaasiin ayuu sheegay inuusan wax natiijo ah ka dhalan, muddo dheerna ay wax sugayeen inuu kusoo war celiyo, laakiin masiib darro, sidii uu aamusnaa in la shaaciyo dilka Ikraan Tahliil.

“Wax la aqbali karo, waan diidnay, umadda Soomaaliyeedna waan diidnay.. Markii Rooble xilka ka qaaday Fahad Yaasiin, waxaa markiiba ka hor yimid Farmaajo oo wax la yaab leh noqoto in ficilkii ugu horeeyay ee uu qaadayuu noqday inuu hor istaago cadaalad u radinta gabadheyda Ikraan” ayuu yiri Aabe Tahliil Faarax.

Go’aanka Qoyska Tahliil ayuu ku sheegay inay soo dhoweynayaan dadallada ay wadaan madaxda Galmudug iyo K/Galbeed; laakiin Wuxuu caddeeyay inaysan wax gorgortan ah ka geli doonin cadaalad u helidda Kiiska Ikraan” ayuu yiri Tahliil, wuxuuna intaas ku daray inaysan diyaar u ahayn xeer jajab iyo Diyo wax kastoo ay noqoto, balse ay doonayaan qisaas iyo cadaalad.

Wuxuu mahadcelin u diray Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo dadaal ugu jira in cadaalad loo helo kiiska Ikraan, Ugaaska Beesha Gaaljecel iyo xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi..

Aabaha dhalay Ikaraan Tahliil