Aadan Madoobe oo noqday Guddoomiyihii ugu horreeyey ee loo gacan qaado xili ay socotay dooda Baarlamaanka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa la kulmay Guddiga KMG ee loo saaray baaritaanka dhacdadii fowdada aheyd ee ka dhacday fadhigii Baarlamaank 7-dii bishan.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa buuxiyay booskii uu ka cudur daartay Xildhibaan Odowaa ee xubinnimada Guddigaas, waxaana uu magacaabay Xildhibaan Maxamuud Abuukaate.

Waa dhacdo ugub ku ah Golaha Shacabka in Guddoonka lagu tuuro caag ama wax agab ah, inta badan marka is hortaaga iyo buuq ay sameeyaan Xildhibaannada ayaa dhici jirtay un inay Miiska garaacaan iyo in Makrafoonka jebiyaan ma dhici jirin isku day gacan ka hadal ah oo Guddoonka loola tago.

Waxaa la filayaa in tallab adag laga qaado xildhibaanada rabshada ka abuuray kulankii xukuumadda lagu ansixixanayay.