Abaabul aad u xoogan oo ka dhan ah Al-shabaab oo ka socda Jubbaland

KISMAAYO-AYAAMAHA-Magaalada Kismaayo ee caasimada dowlad goboleedka jubbaland ayaa waxaa ka socdo dhaq-dhaqaaq ciidan oo ay wadaan maamulka jubbaland, kaas oo ku wajahan kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.

Jubbaland ayaa dooneysa inay qaado guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana abaabulkii ugu dambeeyey uu haatan ka socdaa magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamadii ugu badnaa ayaa haatan lagu diyaarinayaa Kismaayo, kuwaas oo ka qayb qaadan doono howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Dhanka kale Maamulka deegaanka Gariley ee gobolka Gedo ayaa war ka soo saaray weerarkii Al-Shabaab ay ku qaaday deegaankaasi halkaasi oo ay ku dhinteen illaa 11 qof oo shacab ah iyo shaqaale ceel biyood halkaasi ka qodayeen.

Maamulka ayaa ugu baaqay shacabka deegaannadaas in ay u diyaargaroobaan weerar lagu qaado Al-Shabaab.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa kormeer ku tegay xeryaha ciidamadan ee ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo, halkaas oo ay kula hadleen ciidamada loo diyaarinayo howlgallada ka bilaabanaya deegaanadq maamulkq Jubbalad.

Abaabulka ciidan ee Kismaayo ka socdo iyo dhaq-dhaqaaqyada ay haatan waddo Jubbaland ayaa kusoo aadays, ayada oo kacdoon shacab oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab uu ka socdo gobollada dhexe, gaar ahaan Hiiraan iyo Galgaduud, kaas oo guulo waa weyn laga gaaray, sida ay shaacisay dowladda federaalka Soomaaliya.