Abaabul dagaal oo ka dhan Al-shabaab oo ka socda Galgaduud

A Somali soldier patrols a street following a suicide car bomb and gun attack on Tuesday that killed 11 people in Afgoye, Somalia, October 19, 2016. REUTERS/Feisal Omar

BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Abaabulka dagaal ka dhan Al-shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay ka socda degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud, kaasi oo ay qeyb ka yihiin Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka oo degmada baxdo ee gobolka Galgaduud, ayaa waxaa hoggaaminaya Taliyaha Guutada 1-aad ee Qeybta 12-ka April Gaashaanle Sare Xasan Mohamed Abukar (Xasan Jaamici).

Saraakiishan ayaa sheegay in Baxdo u gaareen sidii loo xoojin lahaa dagaalka dhan ah Al-shababa ee looga dhawaaqay deegaannaada Gobolka Galgaduud.

Waxaa ay kulamo gaar gaar ah la qaateen Bulshada deegaanka iyo waxgaradka, iyaga oo ku boggaadiyay dagaalka, isla markaasna tilmaamay in ay garab taagan yihiin.

Galmudug iyo HirShabeelle ayaa waxaa ka socda abaabul dagaal oo ka dhan ah Al-shabaab oo ay wadaan shacabka labada maamul oo garab ka helayo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana lagu tilmaamay fursad qaali oo soomartay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo horey u ballan qaaday in Al-shabaab uu la geli doono dagaal adag.