MUQDISHO-AYAAMAHA-Kulamo siyaasiyiin kasoo jeedo Jubbooyinka ay ku yeesheen maanta Muqdisho ayey kaga hor yimaadeen muddo kororsigii uu shalay sameystay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.
Senetor C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo mar soo noqday Madaxweyne Kuxigeenka koobaad Ee Jubbaland markii labaadna kusoo noqday Golaha Aqalka Sare Soomaaliya ayaa ka hor-yimid muddo kororsiga loo sameeyay Madaxweynaha Jubbaland, kaddib markii shalay Baarlamaanka Jubbaland uu hal sano ugu daray muddo xileedkii Madaxweynaha oo markii hore ahaa afar sano.
Sidookale Wasiirkii hore amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo ka mid ah siyaasiyiin Muqdisho uga dhawaaqay is baheysi ka dhan ah Axmed Madoobe oo la magac baxay “Badbaadada Jubbaland” ayaa sheegay in marnaba aysan ogolaa doonin mudo kororsiga uu shalay u codeeyey baarlamaanka Jubbaland.
“Saaxiibkey Axmed waxaan leeyahay waayo badan ayaad soo joogtay Jubbaland ee ka wareeg intaan ka badan haku ceeboobine, sidaa ogtihiin dowladaan federaalka waxaa lasoo dhisay Farmaajo oo banaanka ka jooga, anaguna Jubbaland waxaan rabnaa inaan dhisno Axmed Madoobe oo banaanka ka jooga,” ayuu yiri Cabdirashiid Janan.
Waa culeys iyo mowjado siyaasadeed hor leh oo lagu furay Axmed Madoobe xilli xaalad caafimaad uu ugu maqnaa in muddo ah dalka iskutaga Imaaraat-ka carabta iyadoo lasoo warinayo in saaxiibadiisii hore jubbaland ay hadda dhaliil iyo ka hor imaansho ku sameenayaan.
Ma cada doorka Dawlada federaalka ay ku leedahay saxmada siyaasadeed ee Muqdisho loogu kicinayo Jubbaland State,iyadoo maamulka gobolka Gedo ay dhankooda kasoo diideen tallaabada golaha wakiilada Jubbaland ay muddo hal sano dheeraad ah ugu dareen madaxweyne Madoobe.